Samaynta maamullada cusub ee maxalliga ah oo tijaabo u ah xukuumadda Soomaaliya
W.Q Maajid Axmed oo Muqdisho jooga – Dadaallo ay waddo xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu samaynayo maamullo kumeel gaar ah oo ka hir gala qeybaha ka midka ah dalka ee dhowaan laga xoreeyay al-Shabaab ayaa waxaa ka hor imanaya iska caabinno ay wadaan odeyaasha qabaa’ilka maxalliga ah.
Intii lagu jiray labadii toddobaad ee la soo dhaafay, xukuumadda ayaa maamullo kumeel gaar ah u samaysay gobollada la xorreeyay ee Baay, Hiiraan iyo Gedo. Balse odeyaasha dhaqanka ee ku sugan aagaggan ayaa mar marka qaar ka soo hor jeeda dadaalladan, iyagoo sheegaya in xukuumaddu ay beddeshay maamul goboleedyada iyadoon wax la tashi ah la sameyn hoggaamiyayaasha bulshada.
“Xukuumaddu waa in ay bulshada deegaanka siisaa fursad ay ku doortaan hoggaamiyayaashooda maxaa yeelay lama aqbali karo in xubnaha maamulka laga soo magacaabo magaalada Muqdisho iyadoon lagala tashan duqayda deegaanka, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo bulshada rayidka,” ayuu Sabahi u sheegay Maxamed Isaaq oo ka mid ah odeyaasha qabaa’ilka ee gobolka Baay, isagoo intaa ku daray in arrintan oo lagu guul darreystaa ay mushkilad ka dhex abuuri karto xukuumadda federaalka iyo bulshooyinka maxalliga ah.
Si kastoo oo ay ahaato, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xuseen Cabdi Aadan ayaa sheegay in xukuumadda federaalku go’aannada noocan oo kale ah aysan kaligeed qaadaneynin.
“Xukuumaddu Muqdisho kama magacawdo madaxda maamullada kumeel gaarka ah. Waxaase loo maraa la tashiyo lala sameeyo hoggaamiyayaasha maxalliga ah,” ayuu u sheegay Sabahi.
“Xilliga maamulladan kumeel gaarka ah waxay ugu badnaan noqonayaan lix bilood, waxayna mas’uul ka noqon doonaan xaaladda ammaanka iyagoo la kaashanaya xukuumadda federaalka iyo sidoo kale hubinta howlaha [bulshada] ee lagama maarmaanka ah, iyo sidoo kale ka guul gaaridda dib u heshiisiin dhex marta qabaa’ilka,” ayuu yiri Aadan. “Tani waxay aasaaska u dhigi doontaa sameynta maamullada gobollada ee beddeli doona maamullada maxalliga ah.”
Iskacaabbin maxalli ah oo ka dhan ah dadaallada xukuumadda
Buuqa ayaa magaala madaxda gobolka Baay ee Baydhaba ka billowday Febraayo 5-teedii, ka dib markii ay Muqdisho go’aan ku gaartay in ay meesha ka saarto Guddoomiyaha Gobolka Cabdifataax Maxamed Ibraahim. Wuxuu diiday in uu xafiiska ka tago, waxaana arrinta fara galin ku sameeyayAfhayeenka Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari isagoo dhammaadkii Maarso booqday Baydhaba dhex dhexaadinna sameeyay.
Abriil 1-deedii markii Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon uu waqtiga u kordhiyay Maxamed Cabdi Kaliil oo ah guddoomiyaha gobolka Gedo muddo lix bilood ah, waxa uu sheegay sababaha ka dambeeyay go’aanka xukuumadda federaalka.
“Maamulka cusub waxa uu ka mas’uul yahay horumarinta xaaladda ammaanka iyo in uu kala shaqeeyo xukuumadda federaalka in dadka loo gudbiyo adeegyada bulshada,” ayuu yiri Shirdoon intii uu ku guda jiray booqashoo uu ku tagay Garbahaarrey, oo ah caasimadda gobolka. “Hoggaan wanaagsan iyo xaaladda ammaanka oo degganaata waxa ay horseedeysaa mustaqbal wanaagsan iyo horumar waara oo gobolka ka dhaca.”
Abriil 9-keedii, odeyaal qabiileed gobolka Hiiraan ka socda ayaa diiday magacaabidda maamul goboleedka ee xukuumadda federaalka iyagoo ay ula muuqatay in uu ka hor imanayo rabitaanka dadka deegaanka.
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Macalim Xasan ayaa ka digay in xaaladda ay xukuumadda federaalka ah ku laaban doonto haddii ay si taxaddar leh u magacaabi waydo xukuumadaha kumeel gaarka ah.
“Xukuumaddu waa in ay abuurtaa wada xaajood dhamaystiran oo ay la samayso odeyaasha qabaa’ilka iyo hoggaamiyayaasha siyaasadda marka maamul loo samaynayo deegaannada la xoreeyay halkii ay hoggaamiyayaasha maamulladan ka soo magacaabi laheyd Muqdisho,” ayuu Xasan u sheegay Sabahi.
“Hoggaamiyayaasha bulshada oo lala tashado waa furaha kaliya ee lagu sameyn karo maamullada deegaanka taasoo ay taageereyso cid walba,” ayuu yiri. “Xukuumaddu waa in ay sidoo kale siisaa taageerada lagama maarmaanka ah deegaan kasta ee go’aansada in uu sameysto maamul u gooni ah.”
Tijaabada ay mareyso xukuumadda cusub ee federaalka
Ismaaciil Yusuf, oo ah falanqeeye arrimaha siyaasadda ah ayaa sheegay in hab xikmad la’aan ah oo loo maro arrintan ay liddi ku noqon karto dadaallada xukuumadda ee lagu gaarayo dib u heshiisiin qaran oo dhameystiran.
“Haddii ay xukuumaddu sii waddo habkan ay maamulayaasha gobol uga soo magacaabayso Muqdisho iyadoon dadka deegaanka siinaynin fursad ay ku doortaan hoggaamiyayaashooda, tani waxay hor kici doontaa faraq weyn oo u dhexeeya xukuumadda federaalka iyo bulshada maxalliga ah,” ayuu Yuusuf u sheegay Sabahi. “Ugu dambeyntii, tani waxa ay dhalin doontaa in kalsoonida ay dadka ku qabaan xukuumadda ay hoos u dhacdo iyadoo hannaanka lagu samaynayo maamullada gobollada uu ugu dambeyntii lumin doono kalsoonida lagu qabo.”
“Soomaaliya waxa ay ka guuraysaa hannaanka dowladda dhexe waxa ayna u guuraysaa habka federaalka, sidaa daraadeed habkani waxa uu awoodda ku wareejinayaa gobollada wuxuuna abuurayaa maamul goboleedyo, kaasoo dhowaanahan ahaa mushkilad weyn, waxa ay tijaabo weyn u tahay xukuumadda cusub inay xaqiijiso inay awoodi karayso in ay ka dhaadhiciso qabaa’ilka inay awooddooda ku ballaariyaan dhamaan gobollada la xorreeyay,” ayuu yiri.
Cumar Cabdullaahi Maxamed, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa sheegay in aysan habooneyn in la yiraahdo xukuumadda waxa ay ka soo magacaabaysaa madaxda sare ee gobollada caasimadda iyadoon la tashan muwaaddiniinta iyo duqayda bulshada.
“Bishii Maarso, raiisal wasaaraha ayaa u safray gobollada Shabeelaha Hoose, Jubada Hoose, Hiiraan, Galgaduud, Mudug, Gedo iyo Puntland si uu ula soo tashado una dhagaysto qeybaha kala duwan ee bulshada iyo sidoo kale in uu la soo tashado xubnaha baarlamaanka iyo dadka kale ee ay talada ka go’do si uu u sahmiyo magacaabidda maamulada kumeel gaarka ah,”ayuu u sheegay Sabahi.
Maxamed ayaa sheegay in xukuumadda ay samaysay dadaal walba oo ay kula tashanayso bulshooyinka maxalliga ah ee dhowaan la xoreeyay, balse qaar ayaa wali laga yaabaa inay ka soo horjeedaan habka maamullada maxalliga ah loo sameeyay.
“Arrintu ma ahan la tashi la’aan dhanka xukuumadda ah ee dadka deegaanka balse waa dhibaato taas ka duwan, oo ah qof walba oo Soomaali ah in uu eego danahiisa gaarka ah oo la xiriira dano badan oo xagga qabiilka ah,” ayuu yiri.
“Dhammaan guddoomiyayaasha gobollada iyo degmooyinka dhowaantan ay soo magacaawday xukuumaddu waa siyaasiyiin ka soo jeedda aagaggan intii ay ahaan lahaayeen dad aan gobolka u dhalan oo Muqdisho laga keenay,” ayuu yiri.
Maxamed ayaa sharraxay baahida loo qabo in sida ugu dhaqsaha badan loo sameeyo maamullo kumeel gaar ah.
“Si loo xoojiyo guulaha ammaan ee laga gaaray aagagga dhowaan la xorreeyay, loogana fogaado faraq suurta gal ah oo hor kici kara in ay awoodda ku dagaallamaan qabaa’ilka iyo kooxaha kala duwan — iyadoon la carrabaabin ka fogaashaha kasii daridda xaaladda ammaan ee deegaanadaas — waxaa lagama maarmaan ah in maamullo maxalli ah laga sameeyo deegaanada la xoreeyay taasoo qeyb ka ah qabanqaabada horudhaca ah ee lagu dhisayo maamul goboleedyada federaalka,” ayuu yiri.
Comments
comments