Saldhiga Xizbul Islaam Deegaanka Xaawa Cabdi oo Xalay la weeraray.
Bartamaha(Afgooye):-Koox aan la aqoonsan ayaa Xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday saldhiga Ciidamada Xizbul Islaam Deegaanka Xaawa Cabdi.
Dagaal muddo socanayay ayaa Xalay saqdii dhexe ka dhacay Deegaanka Xaawa Cabdi Duleedka Ceelasha Biyaha halkaasi koox hubaysan ay soo weerartay.
Weerarka oo ku bilowday garneelada garabka laga gano iyo boobayaasha fudud ayaa waxa uu socanayay muddo saacad ku dhow waxaana goobta la soo weeraray daganaa madax sare oo ka mida maamulka Xizbul Islaam Lafoole.
Illaa xiligan lama garan kooxda weerarka soo qaaday wallow dagaalka goobta ka dhacay uu sababay dhimashada 2-askari oo ka mida Xizbul Islaam iyo dhaawaca 2-kale.
Xaalada ayaa saaka caadi ku soo laabatay waxaana goobta dagaalka uu ka dhacay soo buuxiyay gaadiidka dagaalka Xizbul Islaam kuwaasi oo roondooyin samaynaya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments