Salaad Darbi oo Bandhig Faneed Ku Qabtay Nairobi (Daawo Video)
Fanaanka Salaad Maxamed Shardi oo kamid ahaan jirey xidigihii ugu codka macaanaa Hoboladii Qaranka ee Waaberi ayaa show aad looga soo qeyb galay ku qabtay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kiinya.
Madasha uu Fanaankan kasoo qeyb galay oo ahayd mid si aada loo hadal hayay maalmihii ugu danmbeeyay ee sanadkii tagay ee 2011 ayaa waxa uu xafaladiisa ku qabtay 2/01/2011 xarunta City hall ee bartamaha Caasimadda Nairobi.
Halkaan Ka Daawo Video-ga
Dadweyne Soomaaliyeed oo tiradoodu aysan yareyn ayaa usoo daawasho tagay fanaanka Salaad Maxamed Shardi, Salaad Darbi oo ay garbihiisa ka muuqdeen Fanaaniin dhawr ah oo ay kamid yihiin Cabdirashiid daacad, Khadiijo Foodeey Nuur, Farxaan, iyo qaar badan oo ka tirsan fanaaniinta Nairobi.
Salaad Maxamed Shardi Salaad Darbi oo lagu xasuusto qaar kamida heesaha loogu dahgeysiga badan yahay Fanka Soomaaliyeed isla markaana berry samaadkii lahaan jirey cod halaasiya oo si aada loo jeclaysto ayaa madasha bandhig faneedkani kusoo bandhigay Heesihiisii hore iyadoo sidoo Kalana uu Fanaanku daahfuray Album loogu magic daray Garoob Caashaq kaasi oo ay ku jiraan qaar kamida heesihiisii hore iyo heeso cusub, iyadoo albumkaasina si lacag la’aana lagu gudoonsiiyay inta badan bulshadii kullankaasi kasoo qeyb galay.
Bandhig Faneedka Salaad Darbi ayaa waxaa kasoo qeyb galay dadweyne isugu jira, dhalinyaro iyo wayeel teel teel uga muuqday madasha kullanka kuwaasi oo beri samaadkii dhageysan jirey heesaha Salaad Darbi.
Maahan markii ugu horeysay oo uu fanaan soomaaliyeed bandhig faneed ku qabto magaalada Nairobi, iyadoo sanadkii 2010 ay Nairobi bandhig faneedyo aad looga soo qeyb galay ay qabteen fanaaniin dhawr ah oo ay kamid ahaayeen Fartuun Biririmo iyo Xassan Aadan Samatar, iyadoo Salaad darbina uu kamid noqday amaba Daahfuray Fanaaniin dhawra oo sanadkan 2011 lagu wado iney soo gaaraan caasimadda Kiinya ee Nairobi oo hooy u ah Kumanaan Soomaaliya oo dalkoodii hooyo uga soo cararay dagaallo sokeeye miciina sooo biday caasimadda Kiinya.
Dadweynihii kasoo qeyb galay xafladda ayaa ku kala duwanaa fikradaha ay ka qabeen heesihii uu fanaanku madasah ku soo bandhigay waxayna qaarkood ku doodayeen in Fanaanku uu yahay fanaan qaran kana tirsanaa hoboladii Soomaaliya isla markaana horey uu ugu luuqeyn jiray qaar kamida heesaha loogu jecel yahay Fanka Soomaalida, haddana qaar kaloo badan ayaa niyad xumo ka muujiyay Codka fanaanka oo u muuqday mid wax weyn ay iska badaleen codkiisii berisamaadkii lagu yaqiinay haatana uusan u muuqan inuu sii wadi karo Fanka maadaama Codkii Al Fanaan Salaad Darbi uusan Haatan sidiisii aheyn.
Bartamaha Nairobi, Kenya
Comments
comments