Calendar

Safiirka Soomaaliya oo dhiigiisa ugu deeqay dadkii ku waxyeelloobay weerarka Westgate

734407_10153283715370360_1835073010_nSafiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Amb. Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa cambaareeyay weerarkii shalay lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Westgate oo ku taala bartamaha magaalada Nairobi, kaasoo ay ku dhinteen ilaa iyo hada sodon iyo sagaal ruux.

Amb. Ameerika oo la hadlay Telefishinada laga leeyahay Kenya ayaa sheegay inuu uga tacsiyadeynayo shacabka iyo dowladda Kenya dhibaatada soo gaartay.

Mr Ameeriko ayaa sheegay in Al-Shabaab ay u badan yihiin dagaalyahano ajaaniib ah oo ka kala yimid dunida daafaheeda.

“Al-Shabaab waxaa u badan dagaalyahano ajaaniib ah oo ka kala yimid dunida, waa in Somalia iyo Kenya iska kaashadaan sidii loola dagaalami lahaa”ayuu yiri Amb. Ameeriko.

Safiir Ameeriko ayaa sidoo kale sheegay in dadkii ku dhintay weerarkii Westgate uu ku jiro Wiil Soomaali lagu magacaabo Yasin Hirsi, kaasoo ka shaqeynayay Hey’adda IIDA.

Al-Shabaab oo goor sii horeysay sheegtay weerarka Westgate ayaa xaqiijisay in dagaalyahanada ku jira dhismahaas ay bad qabaan, ayna la dagaalamayaan Ciidamada Kenya.

Wali waxaa socda howl galka, iyadoo ciidamada Kenya ay la hardamayaan dableyda hubeysan ee ku jira gudaha dhismaha, kuwaasoo heysta dad la heystayaal ah.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: