Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Yemen ” Qaxootiga Soomaalida Yemen kama qeyb galin Siyaasadda Dalka Yemen”
Sanca/Bartamaha:Wararka kasoo baxaya Safaaradda Soomaalida ee dalka Yemen ayaa shaaciyay in Qaxootiga Soomaalida aysan ku lug laheyn Siyaasadda xoogan ee ka jirta Waddanka Yeman Ee Caasimadda Yemen.
Safaaradda Soomaalida ee dalka Yemen ayaa si kukul u beensiay in Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalkaasi loo adeegsado dagaalada ka jira dalka Yemen islamarkaana ay garab siiyaan ciidamda Amaanka e Dalka Yemen.
Muqtaar Max’ed Xasan oo ah Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen ayaa u sheegay mid midka mi ah Jariiradyada kasoo baxa Dalkan Yemen Ee Sanca Ma’rib Press in ay tahay been la dhoodhoobay wararka shaaciyya in Soomaalida Qaxootida ku ah Dalka Yemen inay qeyb ka noqdeen Siyaadda Dalka Yemen.
Waxuuna Safiisrka ku cel celiyay in aan marnq la aamini karin Qaxootiga Sanca kusagn inay ka qeyb qaataan ololaha xoogan Ee Dalka Yemen ka jira xilligan.
Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen ayaa beeniyay warraka Soomaalida loo gudbiyay waxuuna xusay in Soomaalida ay haysato dhibaato xoogan islamarkaana aysan diyaar u aheyn in Soomaalida halkan joogto inay dagaalamaan waa sida uu hadalka u dhigay Muqtaar Max’ed Xasan.
Ugu Danabayntii Hadalka Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen ayaa ku soo beegmayso xilli la baahiyay in Qaxootiga Soomaalida ku sugan Yemen ay qeyb ka noqdeen siyaasada iyadoo al shaaciyya inay la safteen Ciidmada Amaanka Yemen taasoo markii ugu danbeeysay uu beeniyay Safiir Muqtaar Max’ed Xasan.
www.Bartamaha.com
Comments
comments