Calendar

Safiirka dowladda Eritrea u fadhiya dalka Kenya oo ka hadlay arrimaha Somalia

eritea
Bartamaha (Nairobi)
:-Safiirka dowladda Eritrea ee dalka Kenya oo shir jaraa’id ku qabtay Maanta Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ayaa sheegay in dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed aysan waxba ka duwaneyn dowladihii ka horeeyay oo uu sheegay inaysan dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa Waxaa uu sidoo kalle ka dhawaajiyay in dowladahaasi ay ahaayeen kuwa aan ka turjumayen danaha umada Soomaaliyeed isagoo intaasi ku daray inEritrea ay taageersantahay dowlada Soomaaliyeed oo laga dhex dhiso gudaha wadanka Soomaaliya.

Salaax Cumar oo ah safiirka Eritrea u fadhiya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda Eritrea aysan aqoonsaneyn dowladihii C/qaasim Salaad Xasan iyo C/laahi Yuusuf Axmed isagoo intaasi ku daray in dowladda Sheekh Shariifna aysan waxba ka badalneyn dowladahaasi maadaama sida uu sheegay lagu soo dhisay Meel ka baxsan Soomaaliya.

Safiirka Eritrea u fadhiya dalka Kenya ayaa dhinaca kale waxaa uu ka hadlay Cuanaqabateyntii dhawaan la saaray dowladda Eritrea isagoo sheegay in cunaqabateyntaasi ay tahay mid xaqdaro ah oo ay ka dambeeyeen dowladda Maraykanka iyo Midowga Africa gaar ahaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee Burundi iyo Uganda.

Waxaa uu ka hadlay xariirka ka dhaxeeya dhinacyada ka dagaalama Soomaaliya iyo Eritrea isagoo meesha ka saaray in Eritrea ay xariir la leedahay dhinacyada ka dagaalamaya Soomaaliya gaar ahaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab, waxaana uu warar been ah ku tilmaamay hadalada sheegaya in ay hub siiyaan Mucaaradka dowladda KMG ee Soomaaliya.

Salaax Cumar ayaa Saxafiyiinta ay wax ka waydiiyeen xilligii uu Madaxwayne Shariif ay ku sugnaayeen Asmaya ayuu ku jawaabay in ay ahaayeen Qaxooti ay dowladiisa ilaalineysay.

Golaha amaanka ee Qaramada midoobay ayaa dowladda Eritrea saaray cunaqabateen kadib markii lagu eedeeyay in ay arrimaah Somalia fara kala bixi waysay.

Ibraahim Da’ud Abdalle
[email protected]
Nairobi-Kenya

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: