Safiirada Soomaaliya iyo Kuwayt oo ku shiray Magaalada Nairobi (Daawo Sawirada).
Bartamaha (Nairobi):- Safiirka Soomaaliya Ee Kenya iyo Qunsulka Kuweyt ayaa ku shiray Xarunta Saxaafada Soomaalida Ee Dalkaasi Kenya.
Safiirka Somaliya ee Kenya Ambassador Maxamed Cali Nur ‘Ameriko’ ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dawladda Kuwayt ee Kenya, Ambassador Yaqoub Y. Alsanand.
Waxaa Safaaradda Somaliya ee Kenya ku soo dhaweeyey Safiirka Somaliya Ambassador Maxamed Cali Nur ‘Ameriko’ Iyo Qunsulka Safaaradda, Mohamed Cismaan Adan”Edson”.
Labada Safiir ayaa ka wada hadleen xidhiidhka dheer ee ay labada dal leeyihin iyo taageerada ay dadka iyo dawladda Kuweyt siiso dawladda iyo dadka Somaliyeed, iyadoo Safiirka Somalia Ee Kenya, Mudane Mohamed Cali ‘Ameriko’ uu uga mahad celiyey xidhiidhkaas dheer iyo taageerada aan kala go’a lahayn ee ay dawladda Kuwayt la garab taagan tahay dowladda iyo dadka Somaliyed.
Safiirka Somaliya Amb. Mohamed Ali Nur ayaa ku ammaanay dawladda Kuwayt sida ay ugu fideyeen dadka Somalia taageerada banii’adanimo ee ay u sameeyeen dadweynaha Somaliyed markii ay bur burtay dawladdii dhexe ee Somalia iyadoo ay illaa imminka oo ay garab taagan yihiin dadka iyo dawladda Somalia.
Sidoo Kale Waxa Uu Sheegay Ambassador Americo, in uu jiro Xidhiidh soke oo walaaltinimo oo ka dhexeeya dawladaha Kuwayt iyo Somaliya, taas oo ku tusaysa buu yidhi in xataa ay magaalada Af-gooye ay ku taallo beer aad u weyn oo dowladdihi hore ee Somaliya ay siisay Amiirka Dawladda Kuweyt ee Shiekh Sabaah.
Safiirka Cusub Ee Kuwayt ee Kenya, Ambassador Yaqoub Y. Alsanand , ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay taageeraan dawladda iyo dadka Somaliya iyadoo uu xusay inaanay dawladda Kuwayd marnaba kala gaban doonin teegeerada ay taageerto Dadka iyo Dawladda Somaliyeed, waxana uu sheegay inay sii laba jibaari doonaan taageeradaas, iyadoo uu xusay in hadda ay Dalka Kuwayt joogaan Jaaliyado Somali ah, kuwaas ay dowladiisu ay soo dhaweysay siisayna sharciyo ay ku shaqaytsaan ayna ku deganaadaan dalkooda.
Safiirka Kuwayt Ayaa Xusay inay Taageerayeen Intii Ay Somaliya Bur Burtay, Dhinacyada kala duwan ee Waxbarashada, caafimaadka iyo Horumarinta Bulshada, waxana uu sheegay inay Jiraan Hay’ado aad u fara badan oo ay dawladda Kuweyt siiso miisaanyad ay kaga hawlgalaan gudaha Somalia.
Gebagabadii kulanka ayaa wuxuu ku soo dhammaaday jawi aad u degan oo farxadeed, waxaana ay labada dhinacba isla garteen in la sii xoojiyo xidhiidhka labada waddan ee Somaliya iyo Kuwayt.
Daawo Sawirada:-
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments