Calendar

Saddexda Masuul ee ugu Sareysa Dowlada oo Kulan Xasaasi ah Uga Socda Madaxtooyada

3 masuulBartamaha —  Warar hoose oo aan helayno ayaa waxa ay sheegayaa in haatan ku lan xasaasi ah uu saacadan ka socdo Xarunta Madaxtooyada ee Vila Soomaaliya kaas oo ay wada qaadanayaan Masuulyiinta ugu saraysa Dowlada ku meel gaarka ee Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa la tilmaamayaa in uu goor dhow bilaawday waxaana leh Saddexda Masuul ee ugu Sareeya Dowlada, Sida madaxwaynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Raisul Wasaaraha Dr. Cumar C/rashiid Sharma’arke iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ilo Ku Dhow Masuuliyiintan ayaa sheegay in kulanku uu yahay mid wada tashi ah isla markaana albaabadu u xiran yihiin.

Inkastoo aan la ogayn waxa looga hadlayo kulankaan, ayaa hada warar soo baxayay maalmahaan ayaa waxa ay sheegayeen in aysan isku wanaagsaneyn Madaxwayne Shariif iyo R/wasaare Sharma’ake ka dib markii dhowaan uu soo kala dhexgalay khilaaf xoogan.

Wuxuu kulanku ku soo beegmayaa xilli uu dhawaan dalka ku soo laabtay gudoomiyaha barlamanka oo hadda bilaabay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in gudoomiyaha barlamanka uu doonayo inuu isu soo dhoweeyo madaxweynaha iyo raisul wasaaraha.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: