read more »">
Calendar

Saddex Wasiir oo ka badbaaday qarax lala beegsaday gudaha Muqdisho.

WasiirasadaBartamaha(Muqdisho):-Saddex Wasiir oo ka mida Dowlada ayaa ka badbaaday qaraxyo shalay gabal dhicii lagula beegsaday gudaha Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah C/Raxmaan C/Shakuur,Wasiirka Bini’aadanimada Maxamed Garweyne iyo Yuusuf Indha Cadde Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga ayaa ka wada badbaaday qaraxyo is xigay oo shalay lala beegsaday.

Wasiiradan aya waxa ay ka soo bexeen shirka Golaha Wasiirada waxaana xiligaasi lala beegsaday qaraxyda iyagoo marayaya wadada makka Al Mukarama agagaarka Hotel Wehliye.

Qaraxyada oo ahaa Miinooyin wadda lagu aasay ayaa waxaa ka badbaaday wasiirada waxaana ku dhintay askarta ay wateen iyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Waxaa xusid mudan in dadka dhintay ay ku jireen Laba wiil oo walaala ah oo xiligaasi ku ciyaraysay agagaarka Hotelka Wehliye gaar ahaan dhanka Wadada Sayidka Muqdisho.

Ma jiro wax war ah oo ay wasiirada bixxiyeen waxaana jiray xiriir lala sameeeyay Indha Cadde oo cadeeyay in uu ka badbaaday qaraxa lala beeegsaday isagoo shegay in wasirada ay badbaadeen.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: