Wariyaal lagu xiray Degmadda Afgooye
Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Xizbul Islaam Degmada Afgooye ayaa qabtay Saddex Wariye oo ka shaqeynayay Idaacado ku yaala Muqdisho.
Wakiilada Idaacadaha Simba,Xurmo iyo Idaacada Qur’aanka Kariimka yaa u xeran Xizbul Islaam oo ku haysata Warar ay ka tabiyeen Afgooye.
Wariyayaasha ka ah Shiiqa Cadow Amiir wakiilkii Radio ismba,Wakiilka Idaacada Qur’aanka Axmed Yuusuf Idaajaa iyo wakiilkii Xurmo Radio Maxamed Ma’da.
Dhammaan Saxafiyiintaasi waxaa hadda ay ku jiraan maalintii labaad xabsi ku yaala Afgooye iyadoo loo haysto warar aan raali galin maamulka oo ay tabiyeen.
Saxaafada soomaaliya ayaa waxa ay u afduubantahay dhincyada isku haya dalka oo koox walba ay doonayso in ay raali ka noqdaan wararka ay tabinayaan.
Ma aha markii ugu horeysay oo suxufiyiinta la isaga xerto deegaanada ay maamulaan Xoogaga Islaamiga ah ee dalka ka dhisan oo inta badan la socda wararka laga tabinaayo gobolada ay haystaan.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments