Saddex ruux oo siyaabo kala duwan xalay loogu dilay Kismaayo
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ilaa saddex ruux xalay siyaabo kala duwan loogu dilay xaafado ka tirsan magaalada, iyadoo dilalkan ay geysteen kooxo ku hubeysan bastoolado.
Sida ay sheegayaan wararka saddexda ruux ee la dilay ayaa mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsan Maamulka KMG ee Jubba, kaasoo meydkiisa laga helay Xeebta Xaafada Calanley.
Dad goob joogayaal ayaa sheegay in labada ruux ee la dilay ay ahaayeen dad rayid ah, hase ahaatee lama oga sababaha loo dilay.
Labada ruux ayaa lagu kala dilay Xaafada Aargada iyo Calanley, iyadoo markii ay dileen raga hubeysan ay baxsadeen.
Ciidamada ammaanka oo goobta gaaray ayaa sameeyay howl galo, inkastoo aanay ku guuleysan inay soo qabtaan kooxihii dilka ka dambeeyay.
Mudooyinkii u dambeeyay ayaa dilal ka dhacayeen magaalada Kismaayo, waxaana Maamulka KMG ee Jubba uu dhowr jeer oo hore ku cel celiyay inay wax ka qabanayaan amni darada ku soo kordheysa magaalada.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidamo ka socda AMISOM iyo kuwa Maamulka Jubba, kadib markii bishii October ee sanadkii hore ay la wareegeen.
Comments
comments