Calendar

Sababta uu Qadaafi u difaacay burcad badeedka Soomaaliya waa…

2480_thumbzoomMucamar al Qadaafi baddiisa ayaa laga xoogay ama lagu xadgudbay  1986kii  waxaana uu aaminsan yahay in haddii badda Soomaaliya la dhaafo tiisana la dhaafi doono. Haddii sharciga caalamiga ee badaha la ilaaliyo tiisana la dhaafi doonobaddiisa ilaa 200 oo Nautical Mile.
 
Qaddaafi weli waxaa uu ku jiraa dagaalkii xoreynta baddiisa qudbaddanna waxay u ahayd aar gudasho iyo ciil bax iyo fursad fiican. Qadaafi oo ka faaiideysanaya jagada uu hadda hayo ee gudoomiyaha ururka midowga Afrika iyo riwaayadda mashruuca burcad badeedka Soomaaliya (Somali Pirates) ayuu masraxii UNta xaday waxaase ka sii yaab badnayd in uusan marnaba xusin gacanka Sitra ama badda Libya ee laga xoogay ama lagu xadgudbay 1986kii mudadii 15ka daqiiqo ahayd ee uu ka hadlayey arrintaas,  waxaa uu xusay inuu la kulmay maamulka sare ee burcad badeedka Soomaaliya oo uu fariina ka wado – waaba ayagoo leh maamul midaysan  cajiib!!! 
 
Qadaafi Soomaali kama naxo walaaltinimana ma yaqaan ee dantiisa iyo difaaca baddiisa ayaa la gashay.  Hore ayuu abwaan Soomaaliyeed u yiri “Baadida ninbaa kula day dayi daalna kaa badane oo aan doonahayn in aad heshaa daa’in abidkaaye”.  Qadaafi oo lagu ogyahay inuu dagaalkii 1977/1978 Soomaaliya iyo Ethiopia naga hiiliyey oo uu Ethiopia naga raacay weli ma bixinnin cudur daar iyo raali gelin marka dhibtiisa hanaga dhaafo intaasi waa dulucda qoraalka  bal aan u gudbo faahfaahinta hadda.
 
 
 
 
 
Qudabaddii uu Qadaafi ka jeediyey Golaha Qaramada Midoobay ee New York sanadkan 2009 waxaa uu dunida gaarsiiyey cabashadeenii ahayd in badeena si sharci darro ah looga kaluumaysto iyo in badeena lagu shubo sun halis ah. Sidoo kale waxaa laga shanqariyey haddiiba ay jirto in uu rabo inuu heshiisiiyo Soomaalida. Hadda yaanan cadaaladda ka tegin odaygana ku xad gudbine  bal aan u qiro inuu hadda  wanaagsan sameeyey   Dadka Soomaaliyeed oo muddo dhibaataysnaa oo aan arag saaxiib fiican oo u soo gurmada oo daacad ah inta aanay qaarkood ku farxin Qadaafi bal aan waxoogaa ka sheego.
 
Qadaafi waa kuma?
 
Keligii taliya Qadaafi waa madaxweynaha Liibya laga soo bilaabo 1969 ilaa hadda asagoo wiilkiisa u diyaarinaya inuu bedelo.  Qadaafi hadda waa gudoomiyaha ururka midowga Afrika.  Qadaafi waa nin isbed bedela oo aan lahayn deganaansho siyaasdeed oo sal adag ku fadhida oo jecel inuu marsaxyada xado.  Waa nin maalin carab ah maalinna caaya, waa nin maalin Maser rabay inuu la midoobo ka dibna ka booday, waa nin damcay inuu hub culus samaysto ka dibna ka noqday, waa nin maalin diinta islaamka jecel maalin kalena faaniya kitaabkiisa cagaaran oo culimada islaamka cambaareeya,  Qadaafi waxaa lagu yaqaan inuu taageero qolooyin uusan shaqo ku lahayn iyo  warlords iyo jabhado baas  si fudud  ka dibna  lagu soo jebiyo.  
 
Maanta waxaa uu ku mashquulsan yahay inuu yahay oday dhaqameed Afrikaan ah ama jecel in uu noqdo madaxa hogaamiye dhaqameedyada Afrika. Intaan waxaaba la dhihi karaa waayaha iyo duruufaha ayaa la galay laakiin su’aashu waa,  maxaa ku kalifay inuu Ethiopia raaco 1977 oo ka hiiliyo Soomaaliya?
 
Qadaafi :  Saaxiibkii iyo walaalkii la jeclaa ee sida lama filaanka ah cadowga ula soo saftay.
 
Waxay ahayd horaantii todobaatameeyadii markii uu ka soo degay Muqdisho ayadoo xilligaas  Soomaaliya ay ku cusbayd ururka jaamacadda carabta  waxaa Qadaafi Xamar iyo Afgooye loogu soo dhoweeyey si heer qaran ah iyo walaaltinimo iyo islaanimo lagu dheehay iyo  carabnimo.  Waxaa lagu ballamay oo lagu heshiiyay in dhulka Soomaaliya ee hodanka ah si wadajir ah looga wada faaiideysto   iyo mashruucii la magac baxay LIBSOMA.  Ilayn Qadaafi nin siyaasad degan leh maahan ama kala yaqaan walaal iyo cadow waa asagii dagaalkii 1977 hiil iyo hooba la garab istaahay Ethiopia aadna uga shaqeeyey sidii loo jebin lahaa xoogga dalkii Soomaaliyeed.  Haddii aad ka naxayso curyaamiinta xoogga dalka Soomaaliyeed oo maanta haraadigoodi ay weli ku jiraan Isbitaalka Martini ogow Qadaafi lugbuu ku lahaa dhibka soo gaaray.  Waxaan Aaminsanahay markii ay Soomaaliya hesho dawlad adag in lala xisaabtami doono Qadaafi – Soomaalida nin ganay iyo nin galaday kala og!.
 
Dadka damca inay difaacaan ficilkii Qadaafi ee 1977 waxay yiraahdaan oday durufbaa ku kaliftay oo waagaas dagaalkii qaboobaa ayaa socday oo amar kama diidi Karin madaxdiisii Soviet Union ee deganayd Moskow ayagaana amarkaas siiyey ama siyaasaddu waa ay ka weyntahay walaatnimo, islaanimo iyo carabnimo. Qadaafi maba oga in adduunku yahay maalintiina oday oday iyo xeer caalami  habeenkiina habar habar iyo hawlo kale, saw siyaasaddaas ma gayn  Europe iyo NATO Afganstaan!. Waxaan aaminsanahay inuu Qadaafi ikhyaar lahaa oo uu xataa dhex dhexaad ka noqon karay dagaalkii Soomaaliya iyo Ethopia.   Arrimahaas oo dhan mar marsiiyo ma u noqonayaan Qadaafi waxaanan filayaa dawlada adag marka ay Soomaaliya ka dhalato haddiiba uu sii noolaado in  lala xisaabtami doono haddii uu Alle ogolaado..
 
Sidee gacanka Sitra (Sidra) ama badda liibya loogu xadgudbay 1986?
 
Sharciga badaha caalamiga ayaa dhigaya  in dalwalba looga danbeeyo khayraadka baddeeda sida kaluumaysiga ama shidaal qodista ilaa 200 Nautical Mile ama fasax laga qaato dalka is kaleh.  Qadaafi waxaa uu bilowgii 80aadkii iclaamiyey in baddiisa ilaa 200 Nautical Mile  ay tahay gacankii geerida oo aan xattaa la soo mari Karin fasax la’aan qofkii isku dayona uu tallaabo ka qaadi doono.  Madaxweynahii maraykanka ee waagaas oo la oran jirey Ronald Reagan ayaa arrintaas uga faa’iideystay duulaan  ujeedo badan  ahaa oo lala damacsanaa Qadaafi.  Reagan waxaa uu iclaamiyey inuu dhoola tus military ku samayn doono gacanka Sitra ee badda liibiya asagoo yiri waxaan Liibiya u aqoonsanahay 12 Nautical Mile oo keliya.  Dagaal yar oo xagga circa ka dib Reagan waxaa uu sheekada ku soo daray in Qadaafi ka danbeeyey dad lagu dilay qaraxyo ka dhacay Yurub. 
 
1986 Qadaafi waxaa la rabay in weerar cireed lagu dilo laakiin ma suurtoobin waxaaa weerarkii Reagan ku dhintay 40 qof oo ay ku jirto gabar yar oo uu Qadaafi korsanayey oo la oran jirey Hana waxaana ku dhaawacmay labo wiil oo uu dhalay.  Qadaafi waa  loo xoog sheegtay waxaana  lagu soo koobay 12 Nautical Mile.  Saaxiibkii uu isku halaynayay ee Soviet Union ayaa garabkiisa ka baxay oo aan u soo hiilin.  Qadaafi intaas loogama harin ee waxaa la weydiistay inuu bixiyo labo magdhaw oo ku saabsan rakaabkii labo diraaradood oo la soo riday sida la sheegay. Waxaana uu ballan qaaday inuu bixinayo lacag ku dhow 3 billion oo dollar.
 
Qadaafi inuu yiraahdo badda Soomaaliya ha la dhaafo waxaa ku hoos qarsoonaa taydana dhaafa bil ixsaanag laakiin Suaashu waxat tahay manta Qadafi ma yaqaanaa kii soo xiga Soomaaliya iyo Soviet Union ama Ethiopia .  Jawaabtu waa maya ama too late!
 
Maxmuud Nuur Wardheere

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Minnesota, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: