R/wasaalaha soomaaliya c/wali max,ed cali oo maanta kormeer ku tagay xerada barakacayaasha badbaado.
R/wasaalaha soomaaliya c/wali max,ed cali oo maanta kormeer ku tagay Xerada barakacayaasha badbaado ayaa balan qaaday in ciqaab adag la Marsiindoono kooxihii ka dambeeyay falkii israsaaseynta ka dhacay xerada Badbaado.
Sidoo kale R/wasaaraha ayaa magacaabay guddi wax ka qabta shaqaaqadii ka Dhacday xerada badbaado oo ah xerada ugu weyn oo ay dowaddu dejisay Dadka ku soo barakacay magaalada Muqdisho.
Booqashada R/wasaaraha ayaa ka dambeeysay kadib markii ciidamo ka wada Tirsan dowlada ay isku rasaseyeen agagarka xeradaas kadibna sababtay in Boob loo gesto rashinkii halkaas yiilay oo inta badan ay sarnayeen rashinkaas Gawaari isla markaasna la damacsanaa in halkaas lugu dajiyo .
R/wasaaraha ayaa si cod u sheegay in gabi ahaan la badali doono maamulka Xeradaas isla markaasna aan dib loo dhigi doonin maamul u sanmeynta Xeradaasi hadii ay ahaan laheed dhinaca amniga iyo mida maamul.
C/wali max,ed R/wasaaraha soomaaliya waxaa booqashiisa ku wehliyay Wasiirka Gaashaandhiga iyo taliyayaasha ciidamada waxa ayna ukuurgaleen Xaalada barakacayaasha ku jira xeradaasi iyo saameynta ay ku yeelatay Shaqaaqadii halkaasi ka dhacday.
Xerada badbaado ayaa ku nool in ka badan 4 ku oo qoos oo barakacayaal ah Isla markaana maanta qar ka mid ah dadkaasi ay soo gaartay dhimasho iyo Dhaawac sida ay sheegeen dad gobtaas ka agdhawaa xeradaasi.
xafiiska wararka bartamaha muqdisho
Comments
comments