Roobabkii todobaadkan gudihiisa ka da’ayay gobollada jubooyinka oo ay ku dhinteen tiro xoolo ah.
Bartamaha(Kismayo):- Roobabkii todobaadyadii ugu danbeeyay ka da’ayay gobolada jubooyinka iyo qeybo badan oo katirsan gobolada ku yaal koonfurta wadanka Soomaaliya.
Xoolaleyda ku dhaqan qaar kamid ah deegaanada hoosyimaada gobolkani j/hoose ayaa waxa saameyn balaaran ku yeeshay roobabkii deyrta ahaa ee sida xoogan uga da’ay gobolkani j/hoose, iyadoo ay uga le’deen xoolo fara badan.
Deeganada ay xoolaha ku dhinteen ayaa waxa ay ku yaalan galbeedka magaalada kismaayo mid kamid ah xoolaleyda ayaa inoo xaqiijiyay in tiro xoolo ah ay ku le’deen roobabkii dhawanahan ka da’ayay deeganadaasi taasoo ay sababtay xoolihii oo in mudo ah ay abaari haysay iyo roobab xoogan oo u xigsaday jiilaalkii kadib..
Sikastaba ha dadka ku dhaqan gobollada jubooyinka ayaa waxa ay siweyn uga cabsi qabaa in webiga jubba uu sameeyo fatahaado maadaama ay si xoogan u da’een roobabka xagaaga islamarkaana laga dareemayo webigu in uu buuxdhaafiyay.
Comments
comments