Calendar

Roobab Mahiigan ah oo Xalay ilaa saaka ka da’ayay Muqdisho kaasi oo sababay in ay xermaan wadooyinka Muhiimka ah Ee Caasimada Muqdisho.

bartamaha-tvBartamaha(Muqdisho):-Roobkan oo ahaa mid wattay Onkod iyo Hillaac ayaa xalay waxa uu ka curtay si rasmi magaalada Muqdisho iyo gobolada la jaarka ah iyadoo roobkaasi uu sababay Faa’iidooyin iyo Qasaara intaba.

Roobka ayaa waxa uu si rasmi ah uga da’ay magaalada Muqdisho iyo labada gobol ee la dereska ah ee Shabeelada Dhexe iyo Hoose oo iyadoo dadka ku nool goboladaasi ay ku diirsadeen roobkii da’ay halka qaar ka mida ah ay ku waxyeeloobeen.

Deegaanada dadka ay u barakaceen ayaa waxaa soo gaaray qasaara kala duwan oo isugu jirta dhimasho iyo waxyeela fansaani ah ka dib markii uu roobku ku dul da’ay caruurta cooshadaha iyo bacaha ku hoos nool ee deeganaaasi ku barakacay.

Gemada Boondheere e gobolkan banaadir ayaa iwaxaa ku geeriyooday ilaa 4Ruux oo ciyaal u badmna ka dib m,arkii xaafada Ceel Ow Muude ee degmadasi uu daad qaada.

Roobka ayaa sababay in ay xermaan wadooyin muhiim ah sida wadada isku xerta Garoonka diyaardaha Muqdisho ilaa isgoyska Nomber 4 halkaasi oo ay ku xarirmeen gawari fara badan halka qar ka mid ah uu roobku ku dulqabsaday Goobka gawarida lagu meyro oo Km4 ahayd.

Waxaa halis ku jirta in ay dunto buundada ka agdhow NO.4 taasi oo loo yaqaano Aargda ka dib markii hoosteeda ay biya buuxiyee. Isla markaasina ay dhinac ka mid ah uu soo dumay buundadaasi.

Maxmed Cismaan Dhagaxtuur oo ah gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo goobtaasi manta gaaray ayaa balan qaaday inta karaankooda ah in ay biyahaasi ka saari doonan goobta ay dageen oo ay ciidamada dowlada iyo masuuliyiintoodaba ay si weyn u isticmaalaa.

Roobkan ayaa u muuqal ahaa mid xilli laga joogo 10sanno ka da’ay caasimada kaasi oo ay ku baxen dad gaaraya ilaa 30ruux oo ay biya qaadeen wallow haatan uu qasaaraha yahay mid aad u kooban.

Xarunta Wararka Xaqiiqda ah Bartmaha.Com,

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: