Calendar

Roobab Lixaad leh oo Maanta kacurtay Magaalada kismaayo

Roobab aad u xoogan ayaa Maanta  kacurtay magaalaada kismayo ee xarunta gobolka jubada hoose iyo deegaanada kuxeeran koonfurta gobolka.

 

Roobabkaan oo ahaa roobab aad u xoogan ayaa ka da’ayay Magaalada Kismaayo tan iyo Saaka Subaxnimadii ilaa iyo Gelinkii Danbe ee Maanta

Waxaana roobabkani ay kala xireen Wadooyinka ay isticmaalaan Gaadiidka isaga kala goosha Gudaha Magaalada.

 

Waxaana Roobabkani ay Saameyn ku yeesheen Dadyowga danyarta ah ee degan Kaamamka ku yaal gudaha Magaalada, kuwaasoo markii horeba haysan hoy fiican oo ay ka galaan Roobabkaan Xooggan ee ka bilowday Magaalada Kismaayo.

 

Inta badan marka la gaaro Xilliyada guga iyo Xagaaga waxaa ka da’a Xeebaha Koonfurta Soomaaliya Roobab aan kala go’ lahayn, kuwaasoo dhibaato u geysta dadka aan ayagu heysan Guryo adaga oo ay ka galaan Roobabka.

 

Labadii sano ee ugu danbeeyay ma jirin wax Roobab ah ee ka da’ay Gobollada Jubooyinka, waxaana roobabkani ay noqonayaan kuwii ugu cuslaa ee ka da’a gobolka tan iyo intii ay bilowdeen roobabka Guga.

 

Waxaana ay roobabkani ku soo beegmeen xilli sedexdii maalmood ee ugu danbeeysay ay roobab lixaad leh ka da’ayeen gobollada koonfureed ee wadanka Soomaaliya, kuwaasoo geystay Qasaarooyin Naf iyo Maalba leh.

 

 

Shabakadda Wararka Xaqiiqda ah Ee Bartamaha

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: