Reer Cumar Cadaan taageerayaashii Maxkamada Islaamka oo beeniyay qado sharaf loo sameeyay Shabaab.
Bartamaha (Muqdisho):- Qoyskii sida xoogan u abuuray Maxkamadihii Islaamka ee xilli ka talinayay dalka ayaa been abuur ku tilmaamay warar shalay soo baxay oo sheegayay in ay la kulmeen Shabaab.
Maxamuud Cumar Cadaan oo ah ninka Labaad ee gacanta ku haya Dhaqaalaha Qoyskaasi taageeray Maxkamadaha ayaa maanta soo saaray qoraal uu ku beeninayo Warar shalay lagu baahiyay Wepsite-yada.
Ganacsade Maxamuud Cumar Cadaan oo ay Walaala yihiin ABuukar Cumar Cadaan oo ah ninka sida weyn gacanta koowaad u ahaa Maxkamadihii Islaamiga ee qabsaday dalka 20065-dii ayaa maanta been abuur ku tilmaamay qado sharaf la sheegay in ay sameeyeen Qoyskooda.
Ganacsade Maxamuud Cumar Cadaan oo si gaar ah loo sheegay in uu Alshabaab Qada sharafta u sameeyay ayaa maanta soo saaray qodobo uu ku cadaynayo fekerkiisa:-
(1)-Marka hore waxaan cadeyneynaa in uu san waxba ka jirin Nuqul uu qorey mid ka mid ah wabseeyada Soomaalida Maalintii Sabtiga ee 31-07-2010-ka kaasi oo sheegay in reer Cumar Cadaan ay kulan qado ah la yeesheen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
(2)- waxaan cadeyneynaa in Urur nuucow doono ha ahaadee ama wax siyaasad ah in aan ku shaqo laheyn.
(3)- in shaqadeyda Ganacsi wax ka baxsan aan shaqo ku laheyn.
Qoyskan Reer Cumar Cadaan oo ah rag wada ganacsata ah ayaa shalay la hadal haayay in ay la kulmeen Kooxda Alshabaab gaar ahaan saraakiishooda sare Sida Abuu Mansuur,Ina Shangole,Cali dheere iyo Axmed Laashin.
Saraakiishaasi ayaa la sheegay in uu soo dhaweeyay Maxamuud Cumar Cadaan wallow maanta uu si cad warkaasi u beeniyay ganacsade Maxamuud Cadaan oo haatan ku sugan Magaalada Muqdisho ee Dalka Soomaaliya.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Kala xiriir:-
.
.
Comments
comments