RBC oo Ogaatay in Maalmaha soo socda ay Xoogaga Islaamiyiinta ah ay meel Fagaara ah ku Dal-Dali doonaan Saraakiil Dowlada katirsan oo dagaalada Muqdisho lagu qabtay
Markii ugu horaysay Mid kamida Kooxaha Islaamiyiinta ay ee diidan Dowlada KMG soomaaliya ayaa Maalinimada Beri ah laga yaabaa in ay meel fagaara ah ku disho saraakiil katirsan dowladda oo dagaallo lagusoo qabtay.
Ilo Wareedyo Muhiim ah oo ay heshay Shabakadda Afka Dheer ee RBC ayaa xaqiijinaya in Maalinimada Beri ah meel fagaar ah lagu Dal-Dali doono Saraakiil lagu Eedeeyay in ay Basaasiin u ahaayeen Mareykanka iyo AMISOM sida ay sheegayaan Xoogaga Islaamiyiinta qaarkood.
Sarkaal diiday in la sheego in magaciisa iyo Kooxkda uu ka tirsanyahay ayaan kasoo xiganay isagoo leh Beri waxaa dhici Doono †Fulinta Xukunka Alle†taas oo ah in fagaare lagu Dal Dalayo Dad Somali ah weliba Rag ah dowladana katirsan.
Waxaa adaga in la ogaado halka uu ka dhacayo falkaasi Dal dalaada ah iyo Cidda gaysanaysa waxaa hubanti ah in ay gaysanayaan Kooxaha dagaalka kula jira AMISOM iyo Dowladda KMG Somalia.
Comments
comments