Calendar

Rasaas dhimasho iyo dhaawac sababtay oo galabta lagu furay Ciidamo ka tirsan Xizbul islaam Degmada Afgooye.

00000000

Bartamaha (Afgooye) Galabnimadii maanta ayaa Nin hubaysan waxa uu rasaas ku furay Ciidamo ka tirsan Kooxda Xizbul Islaam Degmada Afgooye taasi oo dhalisay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay Askartaasi.

Ninkan hubaysan ayaa la sheegayaa in uu ku soo dhawaaday goob ay Ciidamadaasi ku shaahayeen isagoo ooda kaga qaaday rasaas ka dibna ay halkaasi ku geeriyoodeen 2-Askari midkalana uu ku dhaawacmay oo dhammaan  ka mid ahaa Ciidamada Maamulka Xizbul Islaam.

Illaa haatan ma jiro cid si rasmi ah u ogaatay sababta keentay rasaastaasi lagu furay Ciidamadaasi iyadoo maamulka Afgooye ay ku gaabsadeen in ay baarayaan falka qaabka uu u dhacay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo kordhayay muranka ka dhextaagan Ciidamada Afgooye iyo qaar ka tirsan shacabka Deegaankaasi oo qaar ka mida lagu bur-buriyay meherado ay lahaayeen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: