Rajada Nolosha Magaalada Baladweyne oo soo noqonaysa
Bartamaha(B/Weyne):-Dadkii ka barakacay Magaalada Baladweyne ayaa bilaabay in ay dib u soo laabtaan ka dib dagaaladii Jimcihii Magaaladaasi ka dhacay.
Barakacayaasha Baladweyne isaga cararay ayaa waxa ay bilaabeen in ay ku soo noqdaan xafadaha Magaaladaasi ka dib markii Kooxaha Islaamiyiinta Alshabaab iyo Xizbul Islaam ay la wareegeen ammaanka Magaalada.
Dad badan ayaa la arkayay iyagoo ku soo noqonaya gudaha Baladweyne markii ay ka carareen dagaalada maalma badan la iskugu horfadhiyay Magaalada Baladweyne Ee Gobolkaasi Hiiraan.
Rajada ayaa waxa ay u muuqataa mid soo hagaagaysa markii Ciidamada ALshabaab iyo kuwa Xizbul Islaam ay ku kali noqdeen Magaalada Baladweyne oo dagaal looga qabsaday Kooxda Ahlu sunnah oo xaafada badan ka talinaysay.
Goobaha Ganacsiga Xaafadaha Magaalada ayaa dib u furmay iyadoo dadka ku ganacsan jiray Wadooyinka Laamiga ah ay haatan bilaabeen dayactirka dhismayashii lagu dagaalamay oo uu burbur ka muuqanayay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments