Ra’iiwasaare Cabdi Wali “Garoowe waxa aan u joogaa in aan xoojiyo xiriirka TFG-da iyo Puntlland ” iyo SAWIRRO
Garoowe (www.Bartamaha.com):-Ra’iiwasaaraha Soomaaliya uu ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland ay wada yeelan doonaan wada shaqeyn wanaagasan.
Ra’iisal wasaare Dr. Cabdi Wali Maxamed oo shaley isga iyo wafdi uu hogaaminaayo ay ku tageen magaaladda Garoowe ee xarunta maamulka Putnland ayaa sheegay in uu soo wanaagsanaanayo xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeeya dowladda FKMG ah ee Soomaaliya iyo Puntlan, isagoo tilmaamay in ay diyaar u tahay Puntland in ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka guud ahaan
Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa shaley si diiran waxa loogu soo dhaweeyay magaaladda Garoowe, waxana ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Cabdi Raxmaan Shiikh Maxmed Faroole iyo ku xigeenkiisa iyo masuuliyiin kale oo Puntland iyo dadweyne
Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland ayaa shirjaraa’id waxa ay ugu wada qabteen magaaladda garoowe ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri “Garoowe waxa aan u joogaa in aan xoojiyo xiriirka TFG-da iyo Puntlland “
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo hadlay ayaa sheegya dowladda Soomaaliyeed in ay adkeeneyso wada shaqeynta iyo xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya puntland iyo TFG-da waxa uu intaa ku daray ijn ay sii socon doonaan howllaha lagu adkeenayo amniga iyo kala danbeeynta dalka oo idil.
Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi raxmaan Faroole oo isna ka hadlay shir Jaraa’id ayaa sheegay in ay guul u tahay booqashada uu magaalada Garoowe ku yimid Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya islamarkaana ay soo dhaweenayaan xiriirka iyo wada shaqeynta xukuumadda uu hoggaaminayo Ra’iisal wsaare Dr. Cabdi Wali Maxamed Cali Gaaz.
Faroole ayaa muujiyay in ay diyaar u yihiin in ay qayb wayn ka qaataan gurmadka loo sameenayo dadka abaaraha ay ku hayaan dalka
“Arrimaha amaanka dalka waa arrin muhiim ah oo u baahan im cid walba ay xil iska saarto sidaa darted anaga maamul ahaan waxaa diyaar u nahay in aan dhinac walbo kaalin ballaaran ka geesano” ayuu yiri madaxweyanaha Puntland.
Si kastaba, wararka ka immanaya magaaladda garoowe ayaa sheegay booqashadda ra’iisal wasaare Cabdi Wali Cali Gaas ay hor dhac u tahay wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Sheekh Axmed oo halkaas tagaya maalmaha soo socdo si maamulka Puntland ay kala soo hadlaan si loo dhameys tiro howllaha dowladda Soomaaliya ee mudda halka sano ah.
Sawiradda kale ee munaasabadda halkan ka eeg
W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com
Comments
comments