Ra’iisul Wasaare Farmaajo oo u duulay dalka Ethiopia.
Bartamaha (Djabuti):- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saacada ka hopr u ambabaxay dalka Ethiopia.
Ra’iisul Wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo oo ay la socdaan wasiiro Xukumadiisa ka mid ah iyo rag xildhibaano ah ayaa saacada ka hor gaaray Magaalada Addis Ababa Ee Dalka Ethiopia halkaasi oo casuumaad loogu fidiyay.
Farmaajo ayaa xalay la shiray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo ku martiqaaday aqalka Madaxtooyada Jabuuti waxaana ay labada masuul ka wada hadleen arimo badan oo ku aadan xiriirka labada wadan.
Socdaalka NRa’iisul Wasaaraha ee dalka Jabuuti oo aan faahfaahin buuxda laga helin ayaa waxaa Masuulkan uu maanta u soo duulay dhanka Addis Ababa markii Ra’iisul Wasaare Zenawi uu ku casuumay dalkiisa masuulka cusub.
Lama garanayo waxa ay ka wada hadli doonaan Madaxda Ethiopia iyo Ra’iisul Wasaare Farmaajo waxaana lagu sii wadaa in Farmaajo uu la shiro Masuuliyiin kale oo qeyb ka ah Midowga Afrika.
Wixii warar ku soo kordha socdaalka Masuulkaasi kala soco www.Bartamaha.Com.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments