read more »">
Calendar

Ra’iisul Wasaare Farmaajo oo ka carooday xeridii Dakeda Muqdisho

farmaajo ra;sBartamaha (Muqdisho):- Ra’iisul Wasaaraha Dowlada KMG ah ayaa cara ka muujiyay is hortaagii Xildhibaan dowlada ka tirsan uu ku sameeyay shaqada Dakeda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo oo shalay tagay Muqdisho ayaa markii lala socodsiiyay xeritaanka Dakeda Muqdisho waxa uu muujiyay cara xoogan oo arintaasi ku aadan isagoo faray in talaabo laga qaado cidii ku dhaqaaqday falkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu sheegay in laga soo gudbay xiligii shaqaaqo iyo qalalaaso laga dhex abuuri lahaa goobaha dowlada maamusho iyo shaqooyinka Dowlada ka wado dalka taasi oo uu ku sifeeyay mid aan la qaadan karin.

Afhayeenka Dowlada Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa saxaafada u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu amray in sharciga waxa uu ka qabo la mariyo Xildhibaan Furux oo ahaa ninkii xeray muddo Laba maalmood ah dakada Muqdisho.

Amarka Farmaajo ee ku aadan talaaba ka qaadida Xildhibaanka xeray dakada Muqdisho ayaa imaanaya xilli  Dakada ay hada howsheeda caadiga ah wadato markii Wadooyinka dakada soo galo lagu daadiyay Ciidanka Amisom iyo kuwa Militari ah.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: