Ra’iisul Wasaare Farmaajo oo u safray Jabuuti
Bartamaha (Muqdisho):- Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horaysay duulimaad diyaaradeed sameeyay tan iyo markii xilkaasi loo dhiibay.
Ra’iisul Wasaaraha oo hogaaminayay wafdi wasiiro iyo Xildhibaana ah ayaa maanta u ambabaxay magaalada DJabuuti ee dalkaasi Jabuuti oo marti qaad looga fidyay.
Farmaajo ayaa waxaa socdaalkiisa uu yimid xilli aan la sii filayn iyadoo markii xilkaasi loo dhiibay uu balan qaaday in aanay samayn doonin duulimaad diyaaradeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa socdaalka maanta ah uu noqonayaa mid fure u ah socdaalo badan oo lagu wado in uu sameeyo maadaama masuuliyiinta xilka uga horeeyay iyo qaar wasiiradiisa ah ay ku caan baxeen duulimaadka diyuuradaha oo xilli walba ay saaran yihiin.
Socdaalka masuulkan ayaa illaa haatan aan laga helin faahfaahin buuxda waxaana la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha uu socdaal ku tago dalal badan oo diriska ah sida Dalka Kenya oo ay daganyihiin Hay’adaha deeqaha bixiya.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments