Ra’iisul Wasaare Farmaajo oo Baarlamanka laga sugayo.
Bartamaha (Muqdisho):- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta laga sugayaa in uu tago Xildhibaanada hortooda si uu u dalbado Codka Kalsoonida oo shalay loo sii gogol xaaray.
Ra’iisul Wasaaraha Cusub Ee Dowlada KMG ah ayaa maanta waxa uu hortagayaa Xildhibaanada iyadoo loo sii gogol xaaray shalay si kalsoonida loo siiyo masuulkaasi Cusub oo doonaya in uu sii ambaqaado shaqadiisa hadii la siiyo Codka Kalsoonida.
Madaxweynaha Dowlada KMG ah Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay u gogol xaaray Ra’iisul Wasaaraha si Xildhibaanada ay u siiyaan Codka Kalsoonida oo dhamaystiran iyadoo madaxweynaha uu xildhibaanada ka dalbaday in ay soo dhaweeyaan Mudane Farmaajo.
Farmaajo oo aan weli siyaasadiisa la sii baran ayaa waxaa la filayaa in uu maanta xildhibaanada kala kulmo soo dhawayn maadaama madaxweynaha iyo Xildhibaano badan ay shalay shireen si ninkaasi Kalsoonida uu uga helo mudanayaasha looga bartay in ay wax Mucaaradaan.
Wixii warar ah ee ku soo kordha dalabka Kalsoonida Ee Mudane Farmaajo www.Bartamaha.Com ayaad ka heli kartaa Insha allaah.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments