Ra’iisul Wasaare Farmaajo oo baarlamanka la balansan.
Bartamaha (Muqdisho):- Sida wararka na soo gaaraya ay sheegayaan waxaa saacadaha soo aadan Baarlamanka hortagaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dalbanaya Kalsooni siinta Xukumadiisa.
Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa sii gaaraya Hoyga Umada halkaasi oo maanta uu ka dhacayo Kulanka Baarlamanka ay yeelanayaan kaasi oo uu ku casuuman yahaya Ra’iisul Wasaare Farmaajo.
Baarlamanka ayaa waxa uu dhagaysan doonaa dalabka Ra’iisul Wasaare Maxamed C/laafi Farmaajo oo ka codsanaya in Kalsooni la siiyo Xukumada uu soo dhisay taasi oo durbaba dhaliil dhinacyadeeda laga maqlayay.
Wixii ku soo kordha Kalsooni dalbida Farmaajo kala soco www.Bartamaha.Com.
Xafiiska www.Bartamaha.Com ee Bariga Afrika.
Comments
comments