read more »">
Calendar

Ra’iisul wasaaraha Turkiga oo cambaareeyay weerarkii Muqdisho

Recep-Tayyip-Erdogan-006Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hadlay qaraxii maalintii shalay ahayd lala beegsaday safaaradooda magaalada Muqdisho.  Erdogan ayaa Alshabaab ku tilmaamay inay muslimnimo sheeganayaan haddana ay weerarayaan kuwa walaalahooda caawinaya.  “

Waxaa maanta Soomaaliya naga soo gaaray war xun, dhismaha shaqaalaha safaarada Turkiga ayaa lasoo weeraray, nasiib darro waxaan ku waynay hal askari, saddex muwaadin ooTurki ahna waa ku dhaawacmeen” ayuu yiri Erdogan.

“Kuwii weerarkan ka dambeeyay waxay isku sheegayaan muslimiin, yay u socdaan? ma safaarada Turkiga, maxay sidaas u yeelayaan? soo ma oga inaan adeegyo kala duwan u fidinayno walaalaheena Muqdisho ku nool”. ayuu is waydiiyay Erdogan.

Wasiirkiisa arrimaha dibadda Axmed Davutoglu ayaa isna bartiisa Twitterka ku soo qoray “Hal askari ayaa nooga shahiiday, waanku faraxsanahay inaysan nagu dhicin geeri intaa ka badan”.  Kooxda Alshabaab ayaa iyadu sheegatay masuuliyada weerarkii shalay lagu qaaday safaarada ay Turkigu ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee caasimada waddanka Soomaaliya.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: