read more »">
Calendar

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xariga ka jaray wado cusub oo dawlada Turkiga ay dhisayso

Abdi Farah ShirdonRa’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray waddo cusub oo dawlada Turkiga ay ka hirgalinayso magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Saacid ayaa sheegay in wadadan cusub laga hirgalin doono bartamaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho maalin kadib markii Alshabaab ay weerar ku qaaday safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Saacid iyo qaar ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa sidoo kale booqday goobtii shalay weerarku ka dhacay ee safaaradda Turkiga isagoo sheegay in weerarkaas uu ahaa mid la doonayay in lagu horistaago shaqooyinka uu Turkigu ka wado Soomaaliya ee lagu caawinayo shacabka.

Wadada cusub ayaa isku xiraysa ayraboorka ilaa iyo madaxtooyada.

Waxaana shalay weeraradii ku dhintay askari Turkey ah oo ka tirsanaa ilaalada safaarada iyadoo sadex kalana ay dhaawacmeen.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: