Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay wafdi caalami ah oo ka socday qaramada midoobay
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, waxaana hogaaminayay Amb.Walid Musa oo ka socday Waaxda Ciidanka Nabad illaalinta ee Q/midoobay iyo Amb. Mahamat Saleh Annadif waxayna ka wada hadleen arrimo khuseeya sidii loo ballaarin lahaa howlgalka nabad illaalinta ee AMISOM.
Gabagabadii kulankan ayaa waxaa hadlay afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji C/wali, wuxuuna xusay in wufuudan ay shir wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha ayna ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa howlgalka AMISOM, looguna badali lahaa mid ku howlgala magaca Q/midoobay, waxaana wafdigani ay socdaalo ku sii tegi doonaan gobolada dalka, ee ay ka howlgalaan ciidanka AMISOM, sida Beledweyne iyo Baydhabo, iyaga oo qiimeyn doona howlgalada amniga iyo illaalinta nabadda ah ee ay ka wadaan goobahaasi iyo weliba mashaariicda horumarineed.
Comments
comments