Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Axmed Madoobe
Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Waxaana uu sheegay in weerarkaasi ahaa mid lagu carqaladayno nabad ku soo dabaalida gobollada Jubbooyinka.
Saacid ayaa sheegay in dawladiisa aysan u hakan doonin qaraxyada fulaynimada ah ee samaynayaan kooxaha ka tirsan Alshabaab.
Waana markii ugu horraysay oo uu Ra’iisul wasaare Saacid ka hadlo arrimaha ka taagan Jubbooyinka tan iyo markii la gaaray heshiiskii ka dhacay magaalada Addisababa oo wararka qaar ay sheegayaan inuusan Ra’iisul wasaaruhu la dhacsanayn.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.