Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku jooga Jamhuuriyada Jabuuti
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaaladda Djibouti ee caasimadda dalka Djibouti isagoo kasoo duulay magaaladda Jeddah ee Boqortooyadda dalka Sucuudiga.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa garoonka dayuuradaha ee Djibouti kusoo dhoweeyay Wasiirka Cadaaladda isla markaasna ah kusimaha Ra’isul Wasaaraha Djibouti Mudane Cali Faarax Casoowe “Cali Cadnaan”, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Djibouti Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen “ Guulwade” iyo Mas’uuliyiin kale oo Dawladda Djibouti ka tirsan.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ku sugan Djibouti oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga , Wasiiru Dawlaha Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Wasiir ku-xigeenka Khayraadka waxaa dalka Djibouti ay maanta galinka danbe kulamo kula qaadan doonaan madaxda dalka Djibouti qaar ka mid ah, waxaana lagu wadaa hadli doonaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada Dib-u-dhiska, Amaanka, Siyaasadda iyo Ganacsiga.
Comments
comments