Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxabanaan ee Xuquuqul Insaanka
Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada sida Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Gaashaandhigga, Garsoorka, Warfaafinta iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid waxaa uu warbixin kaga dhageystay Guddiga Madaxbanaan ee Xuquuqul Insaanka.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen C/xakiin Daahir Saciid “Saacid” oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddigaasi iyo Xubno kale oo ka tirsan Guddiga Madaxabaan ee Xuquuqul Insaanka ayaa kulanka intii uu socday waxaa ay Ra’iisul Wasaaraha siiyeen warbixino kala duwan oo ku aadan xogag la xiriira Tacdiyada kala gadisan ee lagula dhaqaaqo Muwaadiniinta Soomaaliyeed taasoo ay soo uruurinayeen muddo 6-billood ah.
Xubnaha Gudiiga Madaxabanaan ee Xuquuqul Insaanka ee warbixinta u gudbiniyey Ra’iisul Wasaaraha waxa ay warbixintooda ku sheegeen inay jiraan Tacdiyo kala duwan oo loo geystay Saxafiyiinta iyagoo xusay in Sanadkii tagay 2012 la Dilay 18 Wariye Sanadkan gudihiisana la Dilay ilaa iyo 5 Wariye taasina ay tahay Warbixin lagu kalsoonaan karo hase ahaatee Xogta ay ka sooo aruuriyeen arrimaha Kufsiga inaysan wali u soo cadaanin tirada dhabta ah ee u sabsan Kufsiga hayeeshee ay heleen Warbixino kala duwan oo iska horimaanayo kuwaasoo dhamaantood sheegaya in Haween farabadan iyo Caruur Kufsi loo geystay.
Waxaana Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ammaan u soo jeediyay gudiga oo uu ku tilmaamay inay duruuf adag ku soo shaqeeyeen balse ay sidii la rabay u gutay waajibaadkii loo igmaday.
Comments
comments