Ra’iisul wasaaraha Somalia oo la kulmay Guddoomiyaha Istanbul & Ardayda Soomaaliyeed ee Wax ka barata Turkiga (SAWIRRO)
Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa magaalada Istanbul ee Turkiga kulamo kula qaatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkaas, jaaliyadda iyo gudoomiyaha gobolka Istanbul, Huseyin Avni Mulu iyo weliba ganacsato u dhashay dalka Turkiga.
Mudane Saacid ayaa xalay kulan dheer la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee waxbarshada u jooga Turkiga, wuxuuna kula dardaarmay ardaydan inay ka faa’iidaystaan fursadaha waxbarasho ee ay haystaan; isla markaana ay kuu hayaan maanta inay wax u baranayaan dalkooda iyo dadkooda.
Isagoo sidoo kale ardayda uga warbixiyay xaaladda dalka iyo waxyaabihii uga qabsoomay socdaalka halkan uu ku joogo, waxaana uu ammaanay doorka Turkiga ee dib u dhiska Sooomaaliya. “Waxaan u aqoonsanay 19-ka Ogoosto 2011 maalinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, ardayda waxaa laga doonayaa inay sanad dabaal-dag u sameeyaan maalintaas oo ku beegan markii ra’iisul wasaaraha Turkigu uu booqday dalka Soomaaliya xilli aad loogu baahnaa gurmadka caalamka, sidoo kale waxay miisaaniyad-kabid ku sameeyeen dakhliga dawladda Soomaaliya ee shaqada aan ku wadno,” ayuu yiri Saacid oo khudbad ka jeediyay kulanka ardayda uu la qaatay.
Comments
comments