read more »">
Calendar

Ra’ii sal wasaaraha Turkiga oo Sheegay In uu Lix Cusbitaal uu Ka Dhisayo Soomaaliya

1Muqdisho (www.Bartamaha.com):- Ra’iisal wasaaraha turkiga ayaa balan qaaday in dalka uu ka dhisayo lix cusbitaal oo shan ka mid ay yihiin kuwa yar yar iyo mid kale oo weyn.

Ra’iisal wasaare rajab Ordogan ayaa sidoo kale sheegay in wadada ka timaado garoonka diyaaradahada oo markii uu ku so safrayay ku arkay bur bur, weyn lagu sameen doono dayactir weyn

Wafdiga balaaran ee ka socday turkiga waxaa raysal wasaaraha ku wehlinayay xaaskiisa , shan wasiir iyo heesaa can ah oo turkiga u dhalatay.

Raysal wasaarah ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho maadaama loo arkayay wafdi heer sare ah oo dalka soo gaaray.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee Aadan cadde ku soo dhoweeyay madaxweynaha, raysal saraaha iyo gudoomiya baarlamaanka.

Dalka turkiga ayaa todobaadkii horre waxa lagu qabtay shirka wadamadda iskaashiga islaamka kaa oo looga balan qaaday Soomaalia lacag gaaraysay 350,000 dolar.

Dhinaca kale, Raysal wasaaraha turkiga ayaa sheegay in safaaradooda soomaliya ay dib u furayaan, deeqo wax ku ool ahina ay siin doonaan dadka dhibaataysan,

Recep Tayyip Erdogan, ayaa booqday xerooyinka ay ku jiraan dadka abaaraha aawgood uga soo barakacay gobolada dalka iyo mid kamid ah cusbitaalada Muqdisho.

Shir jaraaid oo uu qabtay, ayuu raysalwasaare Erdegon waxaa uu shaaca ka qaaday in dalka uu ka dhisayo cusbitaalo, iskuulo iyo In uu dayactirayo wadada ka soo baxda Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho.

Raysal wasaaraha ayaa ugu baaqay dalalka kale ee caalamka in ay sare u qaadaan yaboohooda maadaama xaalada dalku ay aad u daran tahay.

Todobaadkii hore 57 dal oo ku jira ururka Islaamka ayaa balan qaaday in Soomaliya ay siin doonaan 350 milyan oo doolar.

W/D:Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya

Sawiradda kale

2

3

4

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: