read more »">
Calendar

Rag looga shakiyay weerarka Westigate oo lagu qabtay Ayraboorka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta

Ciidamada booliska ee la dagaalanka Argagixisada ayaa labo ruux ku qabtay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi, kuwaasoo doonayay inay ka dhoofaan shalay oo Isniin aheyd.

Labadan ruux laga shakiyay ayaa la weydiinayaa su’aalo, iyadoo la sheegay inay u safrayeen dalka Turkiga, iyagoo heysta dhalasho dalal ajnabi ah oo aan wali la carabaabin.

Xoghayaha arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegay in sare loo qaaday ammaanka Kenya, Badda, cirka iyo dhulka, ayna ka feejigan yihiin weeraro argagixiso.

Ciidamada Kenya ayaa wali la hardamaya xoogag hubeysan oo Sabtidii weeraray Xarunta Ganacsiga ee Westgate, halkaasoo tiro dad ah oo ajaaniib u badnaa ku dileen.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in kooxaha weeraray Westgate ay ku jiraan dad ajnabi ah oo heysta dhalasho dalal kale, inkastoo aanay sii faah faahin tirada dadkaas iyo dalalka rasmi ahaan ka soo jeedaan.

Warar ay baahiyeen Telefishinada ayaa sheegayay in dableyda weerarka qaaday ay heystaan dhalasho dalal reer galbeed ah, iyadoo la baahiyay magacyada qaar, inkastoo saraakiil u hadashay Al-Shabaab ay beeniyeen.

Dhinaca kale Ciidamada Kenya ayaa sheegay inay xalay toogteen lix ka mid ah kooxihii weeraray Westgate, isla markaana haatan ay xaqiijinayaan ammaanka xarunta ganacsiga oo wali ay rasaas ka dhaceyso.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: