Calendar

Rabshado looga soo horjeedo Doorashada oo ka dhacay Gobolka Sool.

sBartamaha(Sool):-Rabashado looga soo horjeedo doorashada Somaliland ayaa maanta ka dhacay Deegaano ka mida Gobolka Sool oo laga diiday Sanaadiiqda Cod Bixinta.

Rabshado ay dad ku dhinteen ayaa ka dhacay Deegaanka Kala-Bayr oo ku dhow Laas-Caanood halkaasi oo sanadiiqda Cod bixinta ay isku dayeen in ay xoog ku geeyaan Ciidanka Somaliland oo shacabka ay ku kaceen.

Shacabka dagan Laas-Caanood ayaa iska diiday doorashada Madaxtinimada Somaliland oo saaka si rasmi ah uga bilaabatay deegaano badan oo ka mida Somaliland wallow dhul ka mida Sool rabashado looga soo horjeestay doorashada.

Laba qof ayaa ku dhintay rabashada ay shacabka reer Laascaanod sameeyeen markii rasaas ay fureen Ciidanka Somalland oo la isku dayay in sanaadiiqda awood looga qaato waxaana la burburiyay qaar ka mida sanaadiiq la dhigay Gudaha Laascaanood.

Deegaanka Kala-bayr ayaa la xaqiijiyay in shacabka ay Hub la soo bexeen oo ay weerareen Ciidanka Somaliland waxaana Xiisad ay ka oognaydn maanta inta badan magaalada Laascaanood oo shacabka ay ka soo horjeesteen doorashada.

Magaalooyinka Hargaysa,Berbera,Baki iyo Boorama iyo deegaano kale ayaa noqday kuwa si daganaan ah u dooranayay Madaxweynaha ay doonayaan in uu la wareego xilka Madaxtinimada Maamulka Somaliland.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi-Kenya.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: