Calendar

Raashin lagu gubay Magaalada Kismaayo.

DabBartamaha (Kismaayo):-Kooxda Alshabaab ayaa raashin badan ku gubtay Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubada Hoose.

Fagaara ku yaala Magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu guaby raashin lagu sheegay in uu dhacay kaasi oo Xoog lagala soo baxay Bakhaar ku yaala Magaalada Kismaayo Ee Gobolkaasi Jubada Hoose.

Raashinka la gubayay ayaa waxa uu ka kobnaa qeybaha Cunada iyo Bagaashka Caadiga ah oo la sheegay in taariikh ahaan uu dhacay Caafimaadkana uu halis u yahay sida ay fagaaraha ka sheegeen saraakiil shabaab ah.

Madaxa  Fayadhowrka Alshabaab Kismaayo oo saxaafada kula hadlayay goobta lagu gubayay Raashinka ay lahaayeen ganacsatada Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in Cafimaadka uu halis u ahaa raashinka la gubayay.

Sargaalkaasi waxa uu xusay in dhawaan ay guda galayaan howlgal balaaran oo Bakhaarada ay ku galayaan si ay u soo saaraan raashinka la doonayo in Taariikhda laga badalo.

Ganacsatada ayaa lagu Eedeeyaa in ay raashin dhacay dalka keenaan ka dibna ay ka badalaan taariikhda uu dhacayo raashinka taasi oo halis galin karta Caafimaadka wallow aan la garanayn Khibrada dadka baaraya Raashinka lagu sheegay in uu dhacay ee lagu gubayo dhulka ay shabaabka ka taliyaan.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: