Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Oo Baaq Nabadeed u diray kooxaha ku dagaalamaya Gaalkacyo.WARSAXAAFADEED
Muqdisho (www.Bartamaha.com):- Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa baaq nabadeed goor dhow u jeediyey dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kadib Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiskiisa.
Halkan Hoose Ka Aqri Warsaxaafadeedka.
War-saxaafadeed
Baaq nabadeed oo ku aadan dagaalka Gaalkacyo
Muqdisho, Sabti, September 3, 2011——-Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli
Maxamed Cali Gaas ayaa maanta baaq nabadeed u jeediyay dhinacyada
ku dagaalamayay qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta
gobolka Mudug kaasoo geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa
eheladii iyo qarabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku baxay dagaaladaasi,
wuxuuna Alle uga baryayaa inuu janada ka waraabiyo, inta dhaawac ahna
bogsiiyo.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Dr.Cabdiweli waxa uu ugu baaqay
dhinacyada is haya in wixii dhibaato ah ee jirta ay ku dhameystaan
walaaltinimo iyo isafgarad, wuxuuna ka dalbaday in cid kasta oo
nabadgelyada wax u dhibeysa ay hal meel uga soo wadajeestaan.
“Xukuumadu waxay diyaar u tahay inay ka qeybqaadato daminta colaada
iyo inay gacan ka geysato sidii ay gurmad caafimaad u heli lahaayeen
dhaawacyada dagaalka wax ku noqday” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
“Si gaar ah waxaan doonayaa inaan baaq ugu jeediyo odayaasha,
waxgaradka iyo dhalinyarada degaanadaasi, waxaana leeyahay waa inaad
iska kaashataan ka hortaga cid kasta oo nabadgelyada degaanadaasi wax
u dhimeysa”.
Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in Xukuumadu ay
diyaarineyso sidii ay halkaasi ugu diri laheyd guddi nabadeed oo gacan ka
geysta xalinta khilaafka gacan ka hadalka dhaliyay.
-DHAMAAD
Comments
comments