Ra’iisul Wasare Dr.Cumar C/rashiid oo shaaca ka qaaday in xilligan aanay suurta gal ahayn wadahadalo ay la yeeshaan kooxaha dowlada diidan.
Bartamaha(Muqdisho):-Raiisul wasaaraha dowladda Fadaralka Soomaaliya mudane Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo shalay la kulmay kooxdii uu hogaaminayay Yuusuf Indha Cadde ayaa waxa uu shaaca ka rogay in xilligan aanay suurta gal ahayn wadahadalo ay la yeeshaan koxaha Alshabaab ay u hogayso.
Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa wadahadal la’aanta sabab uga dhigay dhinacyada mucaaradka ay haatan u Go’aansaday sidii dowlada ay xilka ka tuuri lahaayeen isla markaana dalka ay shisheeye u dhiibi lahaayeen.
Ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkiisa ku araywaxana in Kooxda Alshaaab aan xilligan iyio xilli u dhow aan laga dhaadhacsiin Karin in ay nala wadahadlaan maadaama uu sheegay ay noo bargaranayaan cadowgooda maadaama ay ka amarqaataan rag aan soomali ahayn.
Hadalka Dr.Cumar C/rashiid ayaa u muuqanaya rajjo beelkii ugu danbeeyay oo ay dowlada soomaaliya ka muujiso wax ka qabadka awoodaha sii kordhaya ee kooxaha shisheeyaha gacanta ka hela Ee Alshabaab iyo raga ay saaxiibada yihiin ee Xizbul Islaam.
Xarunta Wararka xaqiiqda ah www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments