Ra’iisul Wasaare Sharma’arke oo la filayo in uu gaaro dalka Talyaaniga.
Bartamaha(Muqdisho):-Ra’iisul Wasaaraha Dowlada KMG ah ayaa la filayaa in uu gaaro Magaalada Roma Ee Dalka Talyaaniga isagoo xiligan ku sii jeeda safarkaasi.
Sida uu saxaafada u sheegay la taliyaha dhanka Warfaafinta ra’iisul Wasaaraha Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa waxa uu sheegay in socdaalka sharma’arke uu ku wajahanyahay Talyaaniga.
Goobdoon ayaa waxa uu tilmaamay in ra’iisul Wasaaraha uu kulamo la qaadan doono Madaxda Talyaaniga iyo Ururada deeqda bixiya si iskaashi loola sameeyo wax ka qabashada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu wadaa in uu baadi goob xoogan u galo dhaqaale Talyaaniga uu u balan qaaday Dowlada KMG ah oo aan illaa haatan soo gaarin gacanta Dowlada.
Talyaaniga ayaa dhankiissa la filayaa in uu safaarad ka furto gudaha dalka Soomaaliya si loo xoojiyo wada shaqeynta labada Dowladood oo dhawaanahan xiriira wanaagsan la samaynayay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments