Ra’iisul Wasaare Sharma’arke oo Amisom ku dhaliilay duqeynta goobaha Shacabka.
Bartamaha(London):-Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Fd Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka xunyahay duqeynta Ciidamada Amiosm ay shacabka u geysanayaan.
Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in ay Dowladiisa ka xuntahay duqeynta ay dadka shacabka ah ku la’anayaan .
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay Amisom kala hadleen deegaanada ay duqeynayaan taasina aanay weli hirgalin balse dhibatadaasi dhawaan ay dhaman doonto.
“Amisom waan kala hadalnay duqeynta Suuqyada,goobaha shacabka ku badanyahay laakiin weli lama qabsan joojinta ficilkaasi waana ka xumahay…laakiin kooxaha Mucaaradka iyagaba masuuliyada ayay leeyihiin waayoo shacabka ayay madfac ka soo dhextuuran waxaana bulshada laaya Jawaabta…†ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu ugu danbayntii ka digay dhibaatada Kooxaha Al-Qaacida isagoo sheegay in ay saldhigto ka samaydteen dalka qatarna ay ku yihiin gobolka iyo Soomaaliya intaba.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments