Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo shaaca ka qaaday in Muqdisho ay la wareegayaan maalmaha soo aadan.
Bartamaha(Muqdisho):-Ra’iisul Wasaaraha Xukumada KMG ah Ee Soomaaliya oo la hadlayay wakaalada Wararka Reuters ayaa sheegay in ay dhawaan Muqdisho la wareegayaan.
Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in ay maalmaha fooda nagu soo haya ay la wareegayaan ammaanka guud ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ammaanka guud ee magaalada Muqdisho ay ku soo celinayaan ganacta Dowlada Soomaaliya islamarkana ay ka saarayaan guud ahaan Gobolka kooxaha qaska ka wada.
Sharma’arke ayaa xusay in ay diyaariyeen dhammaan Ciidanka Dowlada una diyaarsanyihiin difaaca dalka iyo wax ka qabashada Kooxaha Al-Qaacida ee Muqdisho soo dagay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa ku goodiyay in isbadalkaasi la dareemi doono maalmaha ugu horeeya Bishan Janaayo ee Sanada cusub isagoo ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed in ay ganac ka geystaan ammaanka dalka.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments