Calendar

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada FKMG Soomaaliya “ Mucaaradka 3-Bilood ayaa Dalka ugu saaraynaa”

farmaajoMugadisho/Bartamaha:Ra’iisul wasaaraha Xukuumada FKMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa balan qaaday in Sadax Bilood gudahooda ay ku ciribtirayaan Kooxaha diidan Dowladda FKMG Soomaaliya isagoo wacad ku maray in Sadaxdaasi bilood ay kaga saarayaan Shabaabka dhamaan dalka Soomaaliya..

“90-Maalmood ayaa u baahanahay inaa ku ciribtirno Mucaaradka Shabaab, waxaa Beesha Caalamka isku raacnay in dagaalada aan sii laba jibaarno” ayaa laga soo xigtay Ra’iisulwasaare Farmaajo.

Mr Farmaajo ayaa Warbaahinta ku hadasha Codaka Dowladda Ee Radio Mugadisho u waramay Maanta waxuu balan qaaday in Dowladda Ee dalka kaa saari karaan 90 Maalmood oo u dhiganta Sadax Bilood waxuuna hadalkiisa ku daray inuu u warmayaya Warbaahinta Dowladda Soomaaliya in shirkii ka dhacay New Yor uu isaga ka qeyb galay la isku soo hadal qaaday xaaladda iyo dhibaatada ka jirto Dalka Soomaaliya iyo Magaalaad Mugadisho.

“Beesha Caalamka waxay isku soo qaaday Arimaha Soomaaliya shirkii ka dhacay Mareekayna E xarunta New-York waxayna noo balan qaadayn inay naga caawi doonaan sidii aan dlaka ugu saari lahayn Kooxaha nabad diidka ah didan Ee Shabaab” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.

Ma’ahan markii ugu horeeysay Ee Saraakiisha ugu sarayso Dowladad ee balan qaadaan in Dalka ay ka saari doonaan Kooxda mucaaradka ku ah Ee Al-shabaab oo ay haatan ku dagalamaan Qar ka mid ah Gobolada Dalka iyo CaasimadaMugadisho.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: