Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Britain kala hadlay Ammaanka dalka iyo shaqada Dowlada.
Bartamaha(London):-Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Britain oo taageera uu ka dalbaday.
Ra’iisul Wasaaraha Dowlada KMG ah Cumar C/rashiid Sharma’arke ayaa kulan saacda qaatay la yeeshay wasiirka  Arimaha dibada Britain David Miliband kaasi oo uu kala hadlay xaalada Dalka Soomaaliya iyo taageerada Dowlada ay uga baahantahay Britain.
David Miliband  ayaa balan qaaday in uu wax ka qabanayo xiriirka ay wadaagaan lbada Dowladood isagoo taageera dhan waliba ah u balan qaaday Dowlada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa ka dalbaday Dowlada Britain taageera xagga maaliyada ah si Dowlada ay u dhisto Ciidamo difaaci kara oo nabada soo celin kara.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments