Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta ka duulay garoonka Magaalada Muqdisho.
Bartamaha (Muqdisho) Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Fd Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta ka duulay garoonka Magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda Dalka Liibiya.
Safarka Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmara’arke ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiirada iskaashiga iyo qorsheynta Caalamiga ah C/raxmaan C/shakuur Warasme iyo Wasiirka Qalabaynta iyo hantida qaranka Maxmed Mursal iyo Saraakiil kale oo dowlada ka mida.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in uu qorsheynayo ka qeybgalka kulanka Madaxda Afrika oo la filayo in uuy maalinta birita ah ka furmo magaalada Sirta Ee Dalka Liibiya.
Madaxda Wadamada Afrika ayaa lagu wadaa in ay falanqeeyaa arimaha isbadalada dalka soomaaliya iyo dagaalada ka jira Wadamada Sudan,Somalia Iyo Kongo oo ah wadamada ugu dagaalada badan qaarada afrika.
Socdaalka Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa auu ku soo aaday xilli madaxweynaha Dowlada Soomaaliya uu ka maqanyahay dalka islamarkaana magaalada Caasimada ahna ay xiisad dagaal ka taagantahay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments