Calendar

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay wafdigii ka qayb galay kulanka Amniga ee Naivasha SAWIRRO

13Muqdisho (www.Bartamaha.com):- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan gaar ah la qaatay wafdigii dowladda Soomaaliya uga qeybgalay kulankii socday muddo 4 maalmood ah oo looga arrinsanayey Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Amniga Dalka (National Security Stabilization Plan (NSSP)).

Sidoo kale kulankan waxaa joogey Wasiirada Amniga oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen ahna Wasiirka Difaaca, Mudane Husseen Carab Ciise, Wasiirka Garsoorka, Mudane Ugas Axmed Bile, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Cabdisamad Macallim Maxamud, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah,

Mudane Cabdullahi Goodax Barre, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Bashir Maxamed Jama, Taliyeyaasha ciidamada Xoogga Dalka iyo Booliska General Cabdulqaadir Sh Cali Diini, iyo General Sharif Sheekhuna Maye iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’ada Nabadsugidda Qaranka, iyo Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo kan Madaxtooyada.

Ra’iisul Wasaare Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey wafdigii dowladda ee ka qeybgalay kulankii lagu soo diyaarinayey Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Amniga Dalka, kuna ammaanay sida ay si waddaninimo leh uga qeybqaateen diyaarintan Qorshahan muhiimka u ah dalka, iyo sida ay si Soomaalinimo leh ugu horseedeen diyaarinta Qorshahan oo ah markii ugu horreysey ee Somali qaadato hoggaanka diyaarinta Qorshahan muhiimka ah oo ay khubaro ku xeel dheer arrimaha amniga oo Soomaali ah ay iyagana ka qeybqaateen kulankan oo ay ka mid ahaayeen saraakiishii hore ee dalka oo in muddo ahba waday daraasad lagu qiimeynayo xaaladda dhabta ah ee amniga dalka iyo sida lagu xasilin karo.

Kulankaas Naivasha waxaa goob joog ka ahaa Qaramada Midoobey iyo diplomaasiyiin ka kala socday waddamada US, EU, UK, Egypt, AU, AMISOM iyo dalal kale oo iyagana si heer sare leh u ammaanay sida Soomaalida ay uga go’neyd qorshahan kuna dhiiri geliyey inay dhameystiraan dokumentiga Qorshahan si ay beesha caalamka u taageerto, isla markaana u keenaan tasiilaadkii lagu fulin lahaa Qorshahan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la dardaarmay guddiga soo diyaariyey qorshahan kana codsaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan, si loo horgeeyo golaha wasiirada iyo golaha baarlamaanka oo uu u noqdo mid sharci ah.

Waxaa dhowaan lagu wadaa in Muqdisho markii ugu horreysey lagu qabto kulankii Guddiga Wadajirka ah ee Ammaanka (Joint Security Committee) oo ay shir-guddoomin doonaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Ergeyga gaarka ah ee guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Ergeyga Gaarka ah ee XoghayahaGuud ee QM.

Kulankan JSC ayaa looga hadli doonaa documentiga qabyada ah ee Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Amniga Dalka laguna wadaa in looga doodo isla markaana lagu ansixiyo oo beesha caalamka ay goob joog ka ahaan doonaan.

                                  Sawiradda kale halkan ka eeg

 10

11

 

                           -DHAMAAD –

Xigasho Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: