read more »">
Calendar

Ra’iisul wasaaraha Kenya Raila Odinga oo ku baaqay in la garab qabto dowlada Fd Soomaaliya isla mar’ahaantaana la aqbalo dalabka ka soo baxay.

odiga1Bartamaha(Muqdisho):-Raila Oding Ra’iisul wasaaraha wadanka Kenya oo manta saxaafada kula hadlay Magaalada Nairobi ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay in la gargaaro dowlada Fd soomaaliya si ay isaga caabiso kooxaha M ucaarad ku ah.

Ra’iisul wasaarayaasha Kenya Raila Oding ayaa ku baaqay in la aqbalo dalabka ka soo baxay dowlada Soomaaliya isagoo ka digay in haatan dalkaasi ay la wareegaan kooxaha Islaamiyiinbta sida uu sheegay isagoo tilmaamay in loo baahanyahay in soomaaliya la caawiyo si aanay halkaasi gobolka u saamaynin dhibaatada ka jirtaa dalka ay dagaalada halakeeyeen Ee Soomaaliuya.

Mr.Odinga ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisu aanay xiligan diyaarsan ciidan ay soomaaliya u dirto isla mar’ahaantaana aayan diyaar u ahayn in ay galaan dalkaasi la jaarka ah isagoo difaacay in ciidamadooda ay adkeeyaan xadka wadankooda uu la wadaago kan somaaliya oo uu tilmaamay in ay ka soo gudbi karaan islaamiyiin dhibaata gaysan kara.

Waa markii ugu horeysay oo dowlada Kenya ay ka jawaabto dalabkii ka soo baxay dowlada Wadanbka Soomaaliya iyadoo hadalka Ra’iisul wasaaraha wadankaasi uu imaanayo xilli uu Nairobi ku suganyahay Ra’iisul wasaaraha soomaaliya Sharma’arke oo doonaya in uu taageero u raadiyo dowlada sii tiicaysa ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: