Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Soomaaliya oo kulamo la qaatay madaxda sare Ee Dowlada Goboleedka Puntland.
Bartamaha(Gaal-kacyo):- Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke Ra’iisul wasaaraha dowladda Fd Soomaaliya ayaa maanta kulamo la qaatay madaxda dowlada Goboleedka Puntland .
Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha dowlada Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa maanta kulan muddo saacada qaatay kula yeeshay Hotelka Taar City Ee Duleedka Gaal-kacyo.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa la sheegayaa in ay ka wada hadleen arimo dhowr ah oo xagga wada shaqeynta Maamulka Puntland iyo dowlada Soomalaiya ka dhexeynaya.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaa in Mud.Cumar C/rashiid uu ciidamo ka dalbaday Madaxweynaha Puntland taasi oo labada masuul la sheegay in ay isla meel dhigeen.
Dhanka kale waxaa magaalada Gaal-kacyo maanta ka socanayay kulamo ay yeelanayeen Wasiirada dowlada Fd Soomaaliya ee madax weynaha la socday iyo kuwa maamulka Puntland.
Warar hoose ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha uu qorsheynayo in maalinta berita ah uu u dhaqaaqo dhanka Koonfurta magaalada Gl-kacyo oo xaalad ammaan daro ay ka taagnayd dhawaanahan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments