Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid ayaa lagu wadaa in uu gaaro Magaalada Garoowe Ee Dowlada Goboleedka Puntland.
Bartamaha (Muqdisho) Dr.Cumar C/rashiid Ra’iisul wasaaraha Dowlada Fd Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu maanta u anbabaxo magaalada Garoowe Ee Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland.
Dr.Cumar C/rashiid ayaa la shaaciyay in uu maanta u dhaqaaqayo dhanka maamulka Dowlada Goboleedka Puntland halkaasi oo la filayo in uu kulamo kula soo yeesho madaxda maamulkaasi.
Wasiirka Warfaafinta Farxaan Cali Maxmuud ayaa qiray in ra’iisul wasaaraha uu u duulayo dhanka Maamulka Puntland isagoo sheegay in u jeedooyin uu halkaasi ka leeyahay Mudane Rashiid.
Wasiirka ayaa sheegay in masulkaasi uu u tagayo Maamul Goboleedka Puntland si uu maamulkaasi ay uga soo wada hadlaan iskaashi xagga Ciidanka ah oo dowlada Fd ay la yeelato Maamul Goboleedkaasi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qorshaha socdaalka Ra’iisul wasaaraha uu qeyb ka yahay sidii uu maamulka Puntland uga heli lahaa taageera Ciidan oo masuulkaasi la siiyo iyo in uu wax ka weydiiyo dilalkii la yaabka lahaa ee gaal-kacyo loogu geystay Culimadii tabliiqa bakistaaniyiinta ahayd taasi oo ay raacsantahay arimaha wada shaqeynta dowlada iyo maamulkaasi.
Safarka Ra’iisul wasaaraha uu ku tagayo deegaankaasi ayaa noqonaya markii ugu horeysay uu uu masuulkaasi tago deegaan ka baxsan Muqdisho oo dalka soomaaliya ka mid ah iyadoo dowladiisa ay shaqeynayso muddo ka badan 6-bilood.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments