Ra’iisal-wasaare C/wali Gaas iyo wafdiga uu horkacayey oo maanta gareen furumaha hore ay dagaalka.
Ra’iisal-wasaaraha iyo wafdiga uu horkacayey ayaa maanta waxa ay gareen furumaha hore ay dagaalka gar ahaan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir halkaas oo maalin ka hor Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ay shaaciyeen inay si rasmi ah ugala wareegeen ururka Al-Shabaab.
Ra’iisal-wasaare C/wali Gaas oo halkaasi saxaafadda kula hadlay ayaa wuxuu ka dhawaajiyey inay sii wadayaan howlgallada Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ay kula dagaalamayaan ururka Al-Shabaab, islamarkaana aysan marnaba joojinaynin inta Al-Shabaab ay ku sugan yihiin Dalka.
Wuxuu sheegay C/wali Gaas in maalmaha soo aadan ay qorsheynayaan in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay gaaraan gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan degmada Afgooye.
Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya wuxuu sidoo kale ugu hambalyeeyey Ciidamada Dowladda guulihii maalmihii dambe ay ka soo hooyeen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab ee ka soconaya Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada Dalka Soomaaliya .
Ra’iisal-wasaaraha Dowladda KMG Soomaaliya ayaa dhanka kale maanta wuxuu booqday Xabsiga dhexe ee Gaalshire halkaas oo maalintii shalay shaqaaqo ka dhacday la sheegay in maxaabiis xabsigaasi ay ka baxsadeen.
Ra’iisal-wasaaraha oo ka hadlay xabsiga dhexe oo uu maanta booqday ayaa wuxuu sheegay inaysan jirin maxaabiis ka baxsatay xabsiga dhexe maalintii shalay, balse wuxuu sheegay in maxaabiis xabsigaasi ku jirtay ay isku dayeen inay baxsadaan laakiin laga hortagay.
Waa markii ugu horeysay oo Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya uu booqasho ku tago furumaha Dagaalka ee degmada Dayniile tan iyo markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen Degmadaasi.
xafiiska wararka bartamaha muqdisho
Comments
comments